Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo Madaafiic Culus ku Garaacay Degmo kale oo ka Tirsan Galmudug

Alshabaab oo Madaafiic Culus ku Garaacay Degmo kale oo ka Tirsan Galmudug

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo ay maanta Al-Shabaab ka gaysteen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Weerarkan oo ahaa mid xoogan ayaa si weyn looga dareemay gudaha magaaladaas oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Saraakiilsha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan waxa ay sheegeen in madaafiicda aysan gaysan wax khasaare ah, haatana ay dagan tahay xaaladda.

Weerarka kadib waxaa howlgal sameeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aagga Ceeldheere, kuwaas oo baadi goob u galay xubnaha weerarka soo qaaday.

Sidoo kale saraakiisha milatariga waxa ay sheegeen inay ku raad-joogaan Al-Shabaabkii ka dambeeyay hoobiyeyaasha xalay lagu garaacay deegaanka Camaara.

Xaaladda ayaa iminka daggan, waxaase saameynta weerarkan laga dareemayaa deegaanka, maadaama ay ku dhinteen dad shacab ahaa oo aan waxba galabsan.

Ceeldheer ayaa kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee lagala wareegay kooxda Al-Shabaab oo haatan wajaheysa dagaal ay si wadajir ah ugu qaadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Weerarkan ayaa waxaa ka horreeyay mid kale oo ay dhowaan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, kaas oo isna loo adeegsaday madaafiic, waxaana ku dhintay nin iyo xaaskiisa oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Ad
Previous articlePuntland oo eedeyn u jeedisay Madaxweyne Xasan kana hor timid Go,aanka Xasan ee Dastuurka
Next articleFaahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa safarka uu madaxweynaha Masar ku tagayo Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here