Home Wararka Maanta Ciidanka Danab oo dilay xubno ka tirsan Al shabaab, nololna ku soo...

Ciidanka Danab oo dilay xubno ka tirsan Al shabaab, nololna ku soo qabtay kuwo kale (Sawirro)

0

Cidanka kumaandooska Danab, ururka 162aad iyo Ciidanka nabad sugida Jubbaland Guutada Gurmad Qaran ayaa al shabaab kula dagaalamay maanta nawaaxiga degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose.

Goobaha la isku fara saaray waxaa ka mid ah degaanada ku teedsan Webiga Jubba, sida Jiimay, Bangeeni iyo Bandar jadiid oo dhammaantood dhaca Gaddiga kale ee Webiga Jubba.

Howlgalkan ayaa al shabaab lagu gaarsiiyay qasaare lixaad leh iyadoo laga laayay  23 dagaalyahan oo isugu jira saraakiil iyo maleeshiyaad, iyadoo maxaabiis dhaawac ah iyo kuwa kalena gacanta looga dhigay sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland.

“Howlgalkan ayaana wali socdaa oo lagu baacsanayaa kooxaha nabadiidka ah” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada howlgalkaas hogaaminaya.

Ad
Previous articleDagaal Laga Cabsi Qabo inuu Beri ka Qarxo Dabdamiska
Next articleFaahfaahin Saciid Deni oo ku guuleystay arrin weyn oo la xiriirta khilaafka Xasan Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here