Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya Iyo maamul goboleedyada Soomaaliya oo Heshiis ka Gaaray hanaanka doorashoyinka...

Dowlada Soomaaliya Iyo maamul goboleedyada Soomaaliya oo Heshiis ka Gaaray hanaanka doorashoyinka iyo muddo kororsiga oo faah-faahsan(Akhriso)

0

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa baahiyey heshiiska laga gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey.

Golaha aya wuxuu ku heshiiyay inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qofiyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya.

Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamkamatelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (ProportionalRepresentation – Closed List).

Liisaska xisbi walba waa in aysan ka badnaan laba-laab kuraasta lootartamayo, kana yaraanin tirada guud ee kuraasta loo tartamayo.

Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS loonavdardargeliyo habsami u socodka dowladnimadeena, waxaa dalka uuvqaadanayaa nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxaa hal warqad kudooranaya shacabka Soomaaliyeed ayadoo lagu salaynayo nidaamkaxisbiyada badan.

Degmooyinka G/Banaadir waxa ay yeelanayaan goleyaal deegaan oo ay soodooranayaan dadka deegaanka si toos ah, waxayna dhacaysaa 30 June 2024.

Doorashooyinka dalka ee heer federaal iyo heer DXDF waa qof iyo cod
oo shantii sanaba hal mar ah. Si loo mideeyo muddada doorashooyinka heer DXDF, waxay doorashooyinku ku qabsoomi doonaan sida soo socota:

I. Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa 30 June 2024.

II. Golaha Wakiilada DXDF waxay doorashooda dhici doontaa 30 November 2024.

III. Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka DXDF waxay doorashadooda dhici doontaa 30 November 2024.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Doorashada Dalka Turkiga Oo Beri Dhacaysa
Next articleAlshabaab oo Horjoogayaal sare oo Ka Tirsanaa Xabsiga Ku Gurtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here