Home wararka Dalka Duleedka bari ee Gaalkacyo oo lagu arkayo ciidamada Milatariga Dowlada Somaliya..

Duleedka bari ee Gaalkacyo oo lagu arkayo ciidamada Milatariga Dowlada Somaliya..

0
SHARE

Ciidamada Milatariga Dawladda Soomaaliya oo wata gaaadiidka dagaalka ayaa maanta lagu arkayaa duleedka bari ee magaalada gaalkacyo oo shalay ay ka dheceen shaqaaqo kooban oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Ciidanka Malitariga dawladda soomaaliya guutadooda guul wade ee qaabilsan amniga gobolka mudug oo la hadlay warbaahinta mudug24 online xaafiiska gaalkacyo waxay sheegeen ineysan udul qaadan doonin colaad dib uga curata gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka mudug oo marar badan dagaalo ku dhex mareen maamulada galmudug iyo puntland.

Wariyaha Mudug24.com ee gobolka mudug ayaa soo sheegaya in aaga garoonka diyaaradaha ilaa koontorolka bariga gaalkacyo ee galmudug in xalay saq dhexe la geeyay ciidamo ka tirsan militariga soomaaliya taasi oo ah mid looga hor tagayo in isku dhac maleeshiyaad hubeysan oo la tilmaamay iney dhul beereed aagaas ku yaal isku Haystaan

Mudug24.com Xaafiiska Gaalkacyo.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here