Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowlada Soomaaliya oo war ka soo saartay Al-Shabaabkii lagu laayey Hiiraan iyo...

Dowlada Soomaaliya oo war ka soo saartay Al-Shabaabkii lagu laayey Hiiraan iyo Sh/Hoose

0

Ciidanka xoogga dalka ayaa degaan lagu magaaco Yasooman oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxay ku dileen ugu yaraan 45 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Howlgal culus oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buula-burde ayaa lagu dilay in ka badan 45 dhagarqabeyaal ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay DF.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaas ku sii daray in howlgalkaan uu weli socdo, isla markaana ay dowladda Soomaaliya war ka soo saari doonto markii uu soo dhammaado.

“Dhanka kale ciidamada xoogga dalka ayaa toogtay sagaal dhagarqabeyaal ah oo ka tirsanaa Al-shabaab ka dib hawlgal ka dhacay deegaanka Warmaxan ee gobalka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay isku dayayeen in ay si dhuumaalaysi ah isaga abaabulaan,” ayaa lagu warkaan ka soo baxay dowladda.

Howlgalka deegaanka Warmaxan inta uu socday waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Saddex ka mid ah ciidamada dowladda howlgalka fuliyey, sida lagu xusay war-saxaafadeedka.

“Inta ay socdaan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada waxaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana laga saaray maleeshiyaadka ku dhowaad 30-deegaan oo ay dadka Soomaaliyeed ku gumaadi jireen,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Awooda Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga soo wiiqay goobo badan oo ka mid ah gobollada Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo Bay, sidoo kale meydadka dagaalyahanada Al-Shabaab oo aad loo laayey ayaa lagu soo bandhigay gobolladaas.

Kacdoonkii ugu cuslaa ayey wajaheysaa kooxda Al-Shabaab, kadib 15 sano oo Soomaaliya ay dagaalo dad badan galaaftay ka wadeen, dowladda Soomaaliya ayaa dhiira-gelin xoog leh la garab taagan beelaha Soomaaliyeed ee isku dhaarsaday inay iska xoreeyaan Al-Shabaab

 

 

Ad
Previous articleJaneraalBiixi oo shaaciyey dhacdo argagax leh oo Al-Shabaab ay sameeyeen
Next articleCiidamada Macawislayda Oo Bilaabay inay Gowracaan Alshabaabkii ay Qabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here