Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Xil Sare u Magacowday Nin Saxiib dhow la aha...

Dowlada Soomaaliya oo Xil Sare u Magacowday Nin Saxiib dhow la aha Ahaa Deni

0

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa ku asixinyay magacaabista maamulka Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha (National Identification and Registration Authority), ayada oo agaasimaha guud loo magacaabay Caddiweli Timacadde, halka Ku xigeenkiisana loo magacaabay, Cabdullaahi Biixi Xuseen.

Magacaabista maamulka cusub ee hay’adda ayaa timid, kadib soo jeedin ay golaha ka sameysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya

Timacadde oo loo magacaabay agaasinka hay’addan ayaa ah aqoonyahan dhalinyaro ah kana soo jeedo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay hadda ka socdaan dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Sidoo kale Cabdiweli Timacade ayaa horay u soo noqday agaasime ku xigeenkii hore ee madaxtooyada Puntland, inkastoo uu iska casilay xilkaasi.

Ninkan ayaa sidoo kale kamid ahaa saaxibadii aadka ugu dhowaa madaxweyne Saciid Deni, isaga oo kamid ahaa kooxdii ololaha doorashadii Muqdisho, balse waxa kala tageen markii ay dhammaatay doorashada oo Deni iyo raggii kale uu uga adkaaday madaxweyne Xasan.

Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa isla maanta sidoo kale ku meel-mariyey magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxoootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo loo magacaabay, Marwo Safiya Xasan Maxamed, halka Ku xigeen Koowaad loo magacaabay Mudane Cabdullaahi Aadan Cabdi iyo Ku xigeenka Labaad Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad.

Kulanka golaha, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey dib ugu noqoshada ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee Sannadka 2023 iyo heshiisyada Ku Biiridda Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika iyo Ku Biiridda Suuqa Iskaashiga Ganacsiga ee Bariga iyo Koonfur Afrika (COMES),

Si kastaba, dhismaha labadan hay’adood ayaa xilligan muhiim u ah Soomaaliya oo haatan kasoo kabaneyso burbur, waxayna qayb tahay horumarka ay ku talaabsaneyso dowladda.
Ad
Previous articleGolaha Wasiirada oo go’aan ka gaaray hannaanka doorashooyinka dalka
Next articleSida lagu helay askarta Uganda ee lixda maalin ka dhuumanayay Al-Shabaab iyaga oo kaadidooda cabaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here