Home Wararka Caalamka Dalal ka Tirsan Yurub oo Diiday inuu Hawadooda Maro Wasiirka Arimaha Dibada...

Dalal ka Tirsan Yurub oo Diiday inuu Hawadooda Maro Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka Xili uu Safar ahaa

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa dalka Serbia ka dib caqabad soo wajahday safarkiisa.

Saraakiishu Ruushka ayaa sheegay in dhowr waddan ay ka hor istaageen diyaaradiisa in ay dul marto hawadooda.

Afhayeenka wasaarada Maria Zakharova ayaa xaqiijiyey talaabada wasiirka loogu diiday safarkiisa.

“Wafdiga Ruushka waxay ahayd inay Belgrade u yimaadaan wadahadal, laakiin Midowga Yurub iyo wadamada xubnaha ka ah NATO ayaa xiray hawadooda.”

Lavrov ayaa sheegay inuu hadda ku casuumi doono dhiggiisa Serbia Nikola Selakovic in uu ku soo booqdo Moscow.

“Ma jirto cid awood u leh in ay burburiso xiriirka aan laleenahay Serbia” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov.

Ad
Previous articleCabdiraxmaan Baraka Xasan oo iskusoo Dhiibay Dowlada Xog badana Shaaciyay
Next articleCali Mohamed Hassan (Balaakii) oo noqday Qofki Sadexaad 24 saac Guduhood lagu Dilo Koonfur africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here