Home Wararka Somaliya Dowlada Sacuudiga oo Cumrada u furay Muslimiinta caalamka iyo hal Shardi oo...

Dowlada Sacuudiga oo Cumrada u furay Muslimiinta caalamka iyo hal Shardi oo lagu xiray

0

Boqortooyada Sacuudiga ayaa muslimiinta caalamka daafaheeda kunool u ogolaatay mudo sanad iyo bar kadib in ay cumro u imaan karaan dhulka barakeesan sida ay baahisay wakaaladda wararka dowladda ee SPA .

Muslimiinta caalamka ayaana fursad u heli doona waxii beri ka dambeeya in cumro u yimaadaan Sacuudiga, waxaana kaliya shuruud looga dhigay in ay soo qaateen talaalka caabuqa safmarka ee Covid-19.

Masuul katirsan Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in xujeyda gudaha iyo dibaddaba ee loo oggolaaday gudashada Cumarada laga doonayo in ay la yimaadaan cadeyn ku aadan in ay qaateen talaalka cudurka Covid-19.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa sheegtay in xujeyda tallaalan ee ka imaanaya dalalka uu ku badanyahay cudurka COVID-19 ee Sucuudigu ku daray liiska cas ayaa iyagu si gooni ah loo karantiili doono marka Sacuudiga gaaraan.

Gudashada acmaasha xajka ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa saameyn xoogan ku yeeshay cudurka Covid-19, waxaana sanadkan Sacuudiga ogolaaday kaliya in ay xajiyaan  60 kun oo muwaadiniin kunool gudaha Sacuudiga kaliya.

Ad
Previous articleWasiirka Arimaha Dibada Kenya oo Maanta imaanaysa Muqdisho
Next articleWasiirka Arimaha Dibadda Kenya iyo wefdi la socda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here