Home Wararka caalamka Khilaaf ka dhex dhashay Sacuudiga iyo Canada oo sababay Haweeney Lagu xiray...

Khilaaf ka dhex dhashay Sacuudiga iyo Canada oo sababay Haweeney Lagu xiray Sacuudiga..

0
SHARE

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in dalka Canada kala soo baxeyso safiirkooda u fadhiyay dalkaasi halka sidoo kale dalkooda ka eryayaan safiirka Canada u fadhiya .

Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in gabi ahaan joojineyso dhammaan ganacsigii iyo maalgalintii cusbayd ee kala dhaxaysay dalka Canada, waxa ayna arintan jawaab u tahay baaq kasoo yeeray dalka Canada.

Xiisada labada wadan u dhaxeysa ayaa timid kadib markii dowlada Canada shaacisay in ay ka xun tahay xarig Sacuudiga u geesatay Samar Badawi iyo dad kale oo u dooda xaquuqda aadanaha, waxa ayna Canada ku baaqday in dadkaasi lasii daayo.

Dowlada Sacuudiga ayaa xirtay Haweeneyda lagu magacaabo Samar Badawi oo u dhaq dhaqaaqda xuquuqda dumarka oo Sacuudiga u dhalatay balse haysata dhalashada Maraykanka.

Haweeneydan lagu xiray Sacuudiga ayaa dowlada ugu baaqday in lasoo afjaro meeshana laga saaro Muxramka Haweenka, waxaana tilaabadaasi carooday dowlada Sacuudiga oo amartay in la xiro haweeneydan.

Dowlada Canada ayaan wali ka jawaabin hadalka kasoo yeeray Boqortooyada Sacuudiga , waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan Canada war kasoo saarto hadalka kasoo baxay Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here