Home Wararka Maanta Maxaa Looga Hadlay Shirkii Golaha wasiirada ee Maantay oo La Filaayay In...

Maxaa Looga Hadlay Shirkii Golaha wasiirada ee Maantay oo La Filaayay In Taliyayaal lagu Magacaabo?

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay amniga dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu bogaadiyey guulaha ciidamada amniga iyo kuwa xoogga dalka ay ka gaareen dagaalka dalka loo sifeynayo kooxaha nabad-diidka ah ee baneystay nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, golaha ayaa ka dhageystay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha warbixin sanadeedka-2023 guulihii laga gaaray Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka.

Shirka golaha Wasiirrada ee maanta ayaa la filayay in ay kasoo baxaan go’aanno dhinaca amniga iyo sidoo kale isbedel lagu sameeyo qaar kamid ah taliyaasha ciidamada dowladda oo lagu eedeeyay in shaqadooda ku fashilmeen.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh iyo P.M Xamsa Oo kala Furfurid ku Bilaabay Xildhibaanadii Diidanaa Wax ka Badalka Dastuurka
Next articleFarmaajo iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo Garowe Gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here