Home ciyaaraha maanta Garsoorayaal Ka Tirsan kubada cagta Soomaliya oo Ka Fadhiistay garsoornimada, Ka dib...

Garsoorayaal Ka Tirsan kubada cagta Soomaliya oo Ka Fadhiistay garsoornimada, Ka dib Musuq maasuq Ka dhax jira Xariirka k/cagta (Sawiro)

0
SHARE

Sadax garsoore oo dhanka Kubadda Cagta ah ayaa Ku Dhawaaqay in ay Ka Fadhiisteen Shaqadii Garsoornimo Ka dib Markii ay Sheegeen in ay Jiraan Arima La xariira Musuq Maasuq, oo dhanka Xariirka Kubadda Cagta Soomaaliya ah.

Garoorayaasha Shaqa Joojinta Sameeyay ayaa kala ah.

1-MOHAMED NUR MUHUDIN (Somaali)
2-SALEEMAN SHIIKH BASHIIR.
3-MAHAD CALI MAXAMUUD .( Jantalman)

Waxaan Go’aan sanay inaan Joojinay shaqadii Garsoornimo ee aan ka Haynay Gudaha iyo Dibada, Sidaas ayaa Lagu yiri Qoraal Ka soobaxay Garsoorayaashaan.

3 Garsoore ayaa Ka mid ahaa 9 garsoore oo Ka Mid ah Heerka caalami, islamarkaana soo Qabtay Ciyaaro Ka Dhacay Dalka iyo dibada.

Xogta Ku saabsan Garsoorayaasha ayaa ah in ay Ka cabanayaan Arimaha Musuq maasuq la xariira islamarkaana Ay kal hore ugudbiyeen Gudoomiyaha xariirka K/cagta Soomaaliya C/qani Siciid carab, Laakiin uusan jirin Wili Wax Laga Qabtay Arinkaas.

“Sidoo Kale Waxaa Jira Xog kale oo ku saabsan In Ay jiraan Cabashooyin kale oo ay qabaan Garsoorayaal kale, Lagana yaabo in ay Maraan Wadada kale oo mareen Garsoorayaashaan Heerka caalami.

Ragaan ayaa ka mid ahaa Garsoorayaal Ugu caalamisan Garsoorayaasha K/cagta ee soomaaliya, waxaana Lagu Xasuustaa Ciyaarihii Maamul gobaleedyada iyo kuwii Degmooyinka ee Muqdisho lagu qabtay.

Xariirka kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa Lagu eedeeyay Arima la xariira Musuq maasuq

 m 

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here