Home galmudug Faafaahin laga helayo Xiisad Ka Jirta Deegaanka Taaroge ee Galbeedka Gaalkacyo Ee...

Faafaahin laga helayo Xiisad Ka Jirta Deegaanka Taaroge ee Galbeedka Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug..

0
SHARE

Deegaanka Taaroge oo dhaca Galbeebka Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug waxaa maalmahan kasocday wada hadallo udhexeeya Duqowda dhaqanka gobolka mudug ee galmudug iyo puntland.

inkasta oo kulamadaas warbaahinta wax badan ka ogeyn hadana Mudug24.com ayaa ogaatay in kulamadaasi ahaayeen kuwo lagu xalinayo muran ka dhashay baraag xilli hore aaga taaroge galmudug ka qodday looguna magac daray “Baraagta Cabdalle iyo Cawareere”marar badana muran ka dhashay.

Puntland ayaa ka biyo diiday qodista barkadda iyo dhismaha hadda larabo in lagu sameeyo taasi oo ka dhalatay xiisad u dhaxeysa  labada dhina.

waxaana Kulamadii ugu danbeeyay oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiinta labada gabi ee gaalkacyo puntland iyo galmudug uu noqday mid isfaham dari kusoo idlaaday sida ay mudug24.com uxariijiyeen Mas’uuliyiin kulanka ka qeyb galay.

wararkii ugu danbeeyay aan ka heleyno taaroge ayaa ah in la dareemayo dhaqa-dhaqaaq ciidan oo ka socda dhanka maamulka puntland.

Wixii ku soo kordha lasoco

Mudug24 Gaalkacyo

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here