Home Wararka Maanta Askar ka Tirsan Ciidanka Dowlada oo ku Geeriyootay Dagaaal Ka Dhacay Magaalada...

Askar ka Tirsan Ciidanka Dowlada oo ku Geeriyootay Dagaaal Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Dagaal ayaa ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku dexmaray Isgoyska Towfiiq ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in israsaaseynta ay timid kadib markii askar ka tirsan kuwa lagu soo tababaray Eretreya oo dhacayay Ganacsatada Qaadka ay ku soo baxeen Ciidamo Boolis ah.

Saddex ka mid ah Ciidamada lagu soo tababaray dalka Ereteriya ayaa is rasaaseynta ku geeriyooday halka  askari Boolis ahna uu ku dhaawacmay sida ay sheegayaan ilo wareedyo iyo dad goob joogayaal.

Intii uu isku horimaadku socday waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid inkastoo markii markii dambe ay xaaladu caadi ku soo laabatay.

Ad
Previous articleAl-shabaab oo ka hadashay weerar ay saaka ku qaaday saldhig ciidamada dowladdu leeyihiin
Next articleIn ka Badan 300 Muhaajiriin gaari looga dhex tagay oo la qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here