Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Nigeria oo isku day dil ka badbaaday ka dib Weerar culus...

Madaxweynaha Nigeria oo isku day dil ka badbaaday ka dib Weerar culus oo lagu qaaday

0

Kolonyo uu la socday Madaxweynaha wadanka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa l xaqeejiyay in lagu weeraray Gobolka Katsina ee uu kasoo jeedo sida ay sheegeen ilo kala duwan oo deegaanka ah iyo saraakiil katirsan Ciidamada ammaanka.

Inta la xaqiijiyay 2 qof oo kamid ah saraakiisha ilaalada u ah Madaxweynahe Muhammadu Buhari ayaa dhaawac kasoo gaaray weerarkaas, waxaana la geeyay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka si loo daweeyo.

Gawaarida la weeraray waxa ay ku wajahnaayeen Magaalada Daura oo uu kasoo jeedo Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari halkaas oo uu ugu tagalayay kulamo kala duwan uu kula ballansanaa Mas’uuliyiin kala duwan.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari oo isu diyaarinaya Munaasabadda Ciidul-Adxaa in uu Dadka Magaalada Daura ee Gobolka Katsina kala qayb qaato farxaddeeda ayuu u tagay Magaaladaas.

Gobolka Katsina ee dhaca Waqooyiga Nigeria waxaa ku nool Dad gaaraya 429,000 (Afar boqol, labaatan & sagaal kun) oo ruux, tan iyo 2015 waxaa ka dhacay dambiyo kala duwan sida Afduub, Dilal iyo weeraro Jid-gal ah.

Ad
Previous articleDEGDEG “ Maxbuuskii Milyaneerka Noqday oo hadda lagu dilay Muqdisho
Next articleDEG DEG: Wiil 5 Milyan Megdhaw loo siiyay 17 Sana u xirnaa Talyaaniga oo Muqdisho Lagu dilay (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here