Home Wararka Maanta Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo la Kulmay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo la Kulmay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Jamuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Siihayaha Safaaradda Jabuuti ayaa la wadaagay Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali hambalyo ku aaddan xilkan qaran ee loo magacaabay, waxaana ay kulankooda kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada Jamhuuriyadood ee walaalaha iyo deriska ah, waajibaadka shaqo ee ciidamada AMISOM iyo ka wada-shaqaynta danaha qaran ee labada dal iyo labada dad.

Ad
Previous articleWasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug oo Heshiis dhaxdhigtay Beelo ku dagaalamay Huurshe iyo Xeraale (Sawiro)
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo Taageeray Go’aankii Guddiga Dooraahada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here