Home wararka Dalka Maxaa ku soo kordhay Khilaaf ka Taagan Garoowe oo Sababay Baaqashada Xafladii...

Maxaa ku soo kordhay Khilaaf ka Taagan Garoowe oo Sababay Baaqashada Xafladii 1 Aguest ee Puntland..

2
SHARE

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay baaqatay xaflad lagu xusi lahaa 1-da Agoosto oo ku beegan markii la dhisay maamulka Puntland.

 

Magaalada Garawe ayaa xalay la filayay in ay ka dhacdo munaasabadan sida weyn loogu diyaar garoobay, hasa ahaatee Munaasabada ayaa si lama filaan ah u baaqatay kadib khilaaf soo kala dhax galay Madaxda Puntland iyo Wafdiga R/W Kheyre ee jooga Garawe

 

Maanta ilaa xalay magaalada Garawe waxaa ka socday shirar kala duwan oo looga arinsanayay khilaaf ka dhashay go’aankii Ra’isul Wasaatre Xasan Kheyre ku diiday in uu dhagax dhigo dhismaha Dekada Garacad.

 

Madaxda maamulka Puntlnad ayaa si weyn uga caroopday arintan, waxaana saacadihii lasoo dhaafay magaalada Garawe ka socday kulamo kala duwan oo xal loogu raadinayo khilaafka labada dhinac ka dhax aloosan.

 

Waxaa wali lasoo sheegayaa in uu taagan yahay khilaafka Madaxda Puntlnad iyo dowlada Federaalka, waxaana laga yaabaa in gabi ahaan ay baaqato munaasabada 1-da Agoosto oo sanad kasta xiligan oo kale si weyn loo xusi jiray.

 

Shaki ayaa sidoo kale la galinayaa in magaalada Garawe maanta oo khamiis ah uu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo horey loo shaaciyay in uu ka dhacayo magaalada Garawe.

 

baaqashada xuska 01-da Agoosto ayaa noqoneysa markii u horeysey iyada oo wax xiisad ah ama siyaasad iska soo horjeeda aysan Puntland ka jirin, iyada oo weliba uu Garoowe ku sugan yahay R.Wasaare Kheyre oo Garawe u yimid ka qeyb galka Munaasabadan.

2 COMMENTS

  1. C.WELI GAAS = Shaqsi u baahan inuu dib u muraajaceyo, Maskax degana ku fahmo Federaalka ( Qaanuunka Dalka ), kana daayo inuu feraalku Noqdo Fowdo iyo Mid Meeshii doono laga fooci karo…

    FAHAMKA uu ka qaatey Federaalka waa Mid QALDAN, Maahan oo keliyah inuu Fajac abuuraayo balse waa mid fududeyn kara fUtURE-KA Foolshadda Fidno Hor leh oo aan wax faa’ido ah ugu jirin Shacabka !!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here