Home Wararka Somaliya Muqdisho oo lagu dilay Askari Caan ah oo lagu Magacaabo Atooraha Badda....

Muqdisho oo lagu dilay Askari Caan ah oo lagu Magacaabo Atooraha Badda. ( Sawiro)

0

Askari ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa caawa lagu dilay xaafada Taleex oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Cismaan Salaad Daahir oo loo yaqaanay (Atooraha badda) ayaa waxaa rasaas ku furay dabley hubeysan sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Askarigan oo ku magac dheeraa (Atooraha Badda) ayaa la sheegay inuu caanka ahaa xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, isagoo la dagaalami jiray dhalinyarada anshax xumada halkaas ka sameeya.

Atooraha badda ayaa sidoo kale ahaa samafale kaalmeeya dadka masaakiinta, waxaana la sheegay in saacad ka hor dilkiisa uu qoysas danyar ah raashiin afur ah u qeybiyey.

Kooxaha ka dambeeyey dilka askarigan ayaa la sheegay iney baxsadeen, waxaana dilkiisa aad uga xumaaday shacab fara badan oo garanayey askarigan kuwaasoo tacsi ku wadaagaya baraha bulshada.

Daawo sawiradii ugu dambeeeyey ee galabta laga qaaday askarigan isagoo dad danyar ah u qeybinaya cunto iyo lacago ay ku afuraan

Ad
Previous articleTalefashinka Denmark oo sheegay in Muwaadin Danish ah lagu dilay Ukraine
Next articleXildhibaan Caananuug oo Eedeyey Xildhibaanada puntland Xili Shalay laga guulaystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here