Home Wararka Somaliya Jubbaland Howlgal lagu dilay 27 dagaalyahan oo ka dhacay degaanka Yaaq-dabayl

Howlgal lagu dilay 27 dagaalyahan oo ka dhacay degaanka Yaaq-dabayl

0

Howgal Ciidanka Xoogga dalka ka fuliyeen Galbeedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayey dileen 27 xubnood oo ka tirsanaa al shabaab.

Howlgalka oo uu hogaaminayay Taliyaha ururka 5aad ee Kumaandooska Danab Gaashaale Carab dheeg ayaa ka dhacay Degaanka Yaaq-dabayl ee Galbeedka Kismaayo.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegaya in sidoo kale lagu dhaawacay howlgalkaas 36 kale oo ka tirsanaa Al shabaab

“Ciidanka Qaranka ayaa hawlgalo Sifeyn ah ka wada goobaha ay gobolada dalka kaga dhuumanayaan Khawaarijta arxanka daran” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay ciidanka xoogga dalka.

Ad
Previous articleCiidamada Booliska Oo lacag ku Raadinaaya Hooyo iyo Labadeeda Wiil oo Dilay Aabihii Qoyska
Next articleMadaxweyne Talada dhulka dhig Shiikh Shariif, Khayre iyo Cabdiraxman Cabdishakuur oo Xasan Shiikh Qoraal Xasaasi ah kasoo Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here