Home wararka Dalka Maxaa Sababay in Raisal Wasaare Xasan Kheyre uusan ka Qeyb Galin Dhagax...

Maxaa Sababay in Raisal Wasaare Xasan Kheyre uusan ka Qeyb Galin Dhagax Dhiga Dekada Garacad..

0
SHARE

Sida ay horay ugu shaacisay Warbaahinta Mudug24 Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu waday in uu Dekada Garacad ka Qeyb Qaato Dhagax Dhigeeda.

Raisal Wasaaraha ayaana ka Qeyb Galin Dhagax Dhigaasi oo markii hore Qorshaha ahaa in uu Ka Qeyb Qaato madama uu ku sugan yahay Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Raisal Wasaare Xasan Kheyre uu ka Cudur daartay in uu ka Qeyb galo dhismaha Dekada halkaasi laga dhagax dhigo.

Sababta uu Raisal wasaaraha ugu cudur daartay lama sheegin hase yeeshee waxaa muuqata in Raisal Wasaaraha uu la kulmay Cadaadis xoogan oo ku aadan arintaasi.

Ugu danbeyb Madaxweynaha Puntland ayaa kaligiis gaaray Garacad isla markana dhagax dhigay Dekada Waxana Raisal Wasaaraha uu dhankiisa gaaray Qardho.

Garacad ayaa ku taalla Gobolka Mudug oo dhawaan laga dhagax dhigay Dekada Hobyo oo qorshaheeda uu socdo.

Mudug24 Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here