Home galmudug Sawiro Raisal Wasaare Xasan Kheyre oo aan ka Qeyb Galin dhagax dhig...

Sawiro Raisal Wasaare Xasan Kheyre oo aan ka Qeyb Galin dhagax dhig lagu Sameeyay Dekada Garacad laga Dhisayo..

1
SHARE

Inkastoo loo badinayay in Xasan Kheyre uu ka qeyb galayo Dekad Macmal ah oo laga dhisayo Deekaanka Garacad Hadana waxaa baaqday ka qeyb galkiisa .

Madaxweynaha Puntland Cabdi weli Gaas iyo Wafdi La socda ayaa gaaray Deegaanka Garacad Halka Kheyre oo ka dagay Deegaanka Qardho ee Gobolka Nugaal.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxana wararka Mudug24 heshay aya sheegayaan in Xasan uu dhagax dhiga diiday madama uu muran ka dhalan karo isla markana safarkiisa uusan ku jirin.

Gaas ayaana ugu danbeyn kaligiisa dhagax dhigay Dekada waxana taasi u muuqataa in Macno weyn sameyn karin madana uusan raisal Wasaaraha ka qeyb galin.

Dood adag ayaa maalmahan ka taagneyd Dagak laga dhagax dhigayo Garacad oo ka tirsan Mudug Madama hore Dowlada u dhagax dhigtay Dekada Hobyo.

Mudug24 Gaalkacyo

Loading...

1 COMMENT

  1. C.wali gaas weli ma fahmin Macnaha Federaalka.. Qaabka uu u dhaqmaayana waxaad moodaa in Qaranamidda uu ka hor marinaayo Qaab qabiil ( Reer-Daajin ) iwm. taasi oo aan waqtigaani macno badan sameyneyn, isla mar ahaantana dhinac marsan sharciga iyo qaanuunka dalka u yaalo ee federaalka ah..
    ***WAQTIGII KALA QEYB SANAANTA WAA LAGA SOO GUDBEY, DALKU WAXA UU YEESHAY DOWLADD FEDERAAL AH***

    Faro gelinta cusub ee qeybo kamid ah GAL-MUDUG ( GARACAD), waxba kama duwana kii uu ku sameeyey labo sano ka hor Maamulka koonfur galbeed iyo weliba jubaland… koonfur galbeed meel ka tirsan ayuu ku sheegey ( Bakool sare State iwm ), taasi oo maamulka k. galbeed ku noqotey maahan fajac balse wax aad ula yaabaan oo amakaak ku noqotey..

    Qof ra’isul wasaare ka soo noqdey Dalka Soomaaliya ( Waqtigii Sh. Shariif) oo hadana dhaqamada noocaasi leh, Qabiilka in laga hormariyo Qaranimadda Umadda, waa wax Shacabka soomaaliyeed ka yaabshey Runtii, Ma haboona in Masuul Maamul yeesho Dhaqamadda noocaasi oo kale ah “QABIILEYSI QAAWAN, IYO QAR ISKA XOOR HORSEEDI KARA IN QARANIMADU MUGDI GASHO ”

    Hadaba, C.wali gaas waa in la fahamsiiyo Federaalnimadda, loona sheego ineysan suuro gal ahayn in Wax ka baxsan Nugaal iyo Bari aysan Dowladda u wakiilan. Galmudugna aysan marnba ogolaaneyn ( Aqbaleyn, Raalina ka aheyn ama kuna qanacsaneyn) in Mudug meel kamid ah uu waqtigaani ku sameeyo faro-gelin Qaawan iyo Wax dhinac marsan Qawaaniinta Dalka Soomaaliya.

    Tusale yar haddii aan idinka siiyo, Shacabka u dhashey gal-mudug waxay degaan degaano badan, iyo dagmooyin ka tirsan wadanka. sidaasi darteed lama oran karo qeybahaasi ay wadanka ka degan yihin waxay ka tirsan tahay gal-mudug, sharcigana uma ogolaanaayo sheegashadda wax ka baxsan mudug iyo gal-gaduud. sidaasi iyo si lamid ah c.waali gaas ma jiro sharci u ogolaanaayo inuu wax shaqo ah ka qabto meel ka baxsan goboladda uu masuulka ka yahay ama dowladda ay u wakiilatay.

    Garacad waa degmo ama meel la wada degan yahay, waxaana degan qabaailadda ( Sacad reer nimcale, Majeerteen c/maxmud iyo S. luga yare). Taariikh ahaan DEgmadda Aas aaskeeda waxa lahaa aa loogu macag daray wadaad la dhihi jirey Aadan Maxamed* gar-cade*, ninkaasi oo magaaladda dhexdeeda aad loog yaqaaey kuna laha Ganacsi iyo ceel biyood. Ninkaasi inkastoo aysan habooneyn inaan Qabiilkiisa sheego, balse waa nin u dhashey ama ku abtirsada gal-mudug,MAgaca garacadna sidaasi ayuu ku baxay gar-cade

    Waqtigaani ma wanaagsan in Qabiil iyo Qoleysi laga horumariyo Qaranimadda Shacabka… iyadoo ay fudud tahay in looga dambeeyo maamulka meeshaasi ama goobtaasi masuulka ka ah. GALMUDUG STATE

    Haddii ay sidaasi dhacdana, gal-mudug waa iney ka qaado tilaabo ADAG oo sharciga WAAFAQSAN, lana joojiyo faragelingta qaawan iyo in fedeerlku noqdo mid Fowdo u horseeda Shacabka Soomaaliyeed, yeeshana macno badan ( LA JIIFIYAA BANAAN LA JOOJIYAA BANAAN ) taasi oo sabab u noqon karta in federaalku noqdo Fowdo iyo wax aan Cidna faa;ido ugu jirin.. mid aan miro dhal fiican uu yeelan shacabka Soomaaliyeed oo waqtigaani u hamuun qaba ama u ooman in ay mar un arkaan Dowladd Federaal Soomaaliyeed ah oo shaqeyneysa, Dowladd dhaxal-siisana Nabad iyo Horumar waara.

    Waad Mahadsan tihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here