Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Meydka Sarkaal Shabaab Ah Oo Howlgal Lagu...

Dowlada Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Meydka Sarkaal Shabaab Ah Oo Howlgal Lagu Dilay.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay meydka sarkaal Shabaab ah oo lagu dilay deegaan ka tirsan gobolka Sh.Dhexe.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Jingaab (Wasiir) waxaa lagu dilay howlgal ciidamadda Huwanta ay ka sameeyeen tuulada Juxaay oo hoostagta degmada Aadan Yabal oo dhawaan Shabaab laga saaray.

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in ninkaasi uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa marin habaabinta dhalinyarada iyo xagjireyntooda, waxaana lala dilay dagaal yahano badan oo Shabaab ah.

Majirto wali wax war ah oo kooxda Shabaab ay ka soo saartay dilka sarkaalkan, iyadoo kooxdaasi ay guuldarooyin is daba joog ah ka soo hoyisag dagaalka ka dhanka ah ee ka socda Hirshabelle.

Ad
Previous articleCabdirashiid Janan iyo Senoter Fartaag oo abaabul xooggan ka wada gobolka Gedo
Next articleC/llaahi Xaashi: Askarigii dilay walaalkey waa lasii daayay nin kale ayey Maxkamaddu dil ku xukuntay oo Alshabaab ka Tirsanaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here