Home Wararka Maanta Muwaadiniinta Mareykanka ee Itoobiya ku sugan oo loogu Baaqay inay ka Baxaan...

Muwaadiniinta Mareykanka ee Itoobiya ku sugan oo loogu Baaqay inay ka Baxaan Dalka

0

Safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa ayaa digniin ay Jimcihii soo saartay ugu baaqday muwaadiniinteeda inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan Itoobiya.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo laga cabsi qabo in xooggaga mucaaradka ay gudaha u galaan caasimadda Addis Ababa.

“Xaaladda ammaan ee Itoobiya ayaa ah mid aad u qasan. Waxaan kula talineynaa muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan dalkan inay uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu sheegay farriin la soo dhigay bogga internet-ka ee safaaradda.

Digniinta Maraykanka ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sagaal urur oo mucaarad ah Washington uga dhawaaqeen isbahaysi ka dhan ah xukuumadda Abiy Axmed.

Xooggaga Tigray ee la dagaallamaya dowladda Itoobiya ayaa maalin ka hor sheegay inay diyaar u yihiin gelitaanka caasimadda Addis Ababa, walow aysan dooneyn inay xukunka la wareegaan.

Ad
Previous articleGaalkacyo Xukun lagu Riday Dad ka Shaqeeya Maandooriyaha
Next articleDowladda Mareykanka oo Maamulada Dalka Ugu Baaqday Bilaabida Doorashooyinka Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here