Home wararka Dalka Dhageyso ONLF oo sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu raaligalin ka bixiyay Xarigii...

Dhageyso ONLF oo sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu raaligalin ka bixiyay Xarigii Qalbi Dhagax..

0
SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C abdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Eriteria ayaa kulan waxa uu la qaatay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Jabhada ONLF,iyada oo kulankooda ay uga wada hadeen arimo dhowr ah.

Guddoomiyaha ONLF Maxamed Cumar Cusmaan ayaa sheegay in arrimaha ay isla soo qaadeen Madaxweynaha ay ka mid ahaayeen dhiibistii Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo uu sheegay in dhibaato badan ay ku abuurtay Ururkooda.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu raali gelin ka siiyey dhiibistii Dowladda ee Qalbi-dhagax,isla markaana uu  sheegay in ay ka xumaayeen in loo gacan geliyo Itoobiya.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha ONLF.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here