Home Wararka Somaliya Akhriso:- Heshiis Galmudug iyo Itoobiya ay kala Saxiixdeen

Akhriso:- Heshiis Galmudug iyo Itoobiya ay kala Saxiixdeen

0

Gunaanadkii shirka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed iyo heshiis ay dhinaca Galmudug u saxiixeen: Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Taliyaha Nabadsugidda qaranka Qeybta Galmudug, Dhanka DDS ay u saxiixeen: Hogaanka Nabadgalyada, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo taliyaha gaaska 3aad ee Ciidanka Mileteriga Itoobiya.

Heshiiska ayaa nuxurkiisu ahaa:
1. Iskaashi dhanka amniga ah oo isugu jira amniga xuduudaha Galmudug iyo DDS, Dardargelinta iyo fulinta heshiisyo horey loo gaaray iyo in si wadajir ah loola dagaalamo argagixisada.

2. Iskaashi dhanka Ganacsiga iyo horumarinta Dhaqaalaha ah, gaar ahaan canshuuraha badeecooyinka isaga gudba xuduudaha labada maamul, ka hortagga maandooriyaha iyo qabashada Shirweyne ganacsi oo Galmudug ka dhaca oo ganacsatada labada dhinac ay yeeshaan.

Wasiirka amniga Galmudug Md. Axmed M. Fiqi oo gunaanadkii shirka kalimad la siiyey ayaa ka mahadceliyey soo dhowayntii diiranayd iyo martiqaadkii loo sameeyey wafdiga Galmudug, kana warbixiyey Galmudugta cusub iyo himaladeeda, iyo sidoo kale in shirkii labada maalmood socday uu ahaa mid miro dhal ah, heshiisyada la galayna ay dhinaca Galmudug ka fulin doonaan Qeybta ay ku leeyihiin, asagoo booriyey in wada shaqaynta iyo iskaashiga labada maamul uu halkaas ka sii socdo, ayna noqon doonaan shirarka labada maamul kuwa sii socda, iskaashiguna uu noqon doono mid intaan ka sii bata.

Ad
Previous articleMaamulka Jubbaland oo war kasoo saartay ciidankii dowladda ay ku daabushay Gedo
Next articleGaalkacyo Ciidanka Puntland oo Xabsiga dhigay 20 Ruux oo Shabaab lala Xiriirinaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here