Home Wararka Somaliya Galmudug Shir Lagu Heshiisiinaayo Laba Beelood oo Dhawaan Ku Dagaalamay Galmudug oo Dhuusamareeb...

Shir Lagu Heshiisiinaayo Laba Beelood oo Dhawaan Ku Dagaalamay Galmudug oo Dhuusamareeb ka Furmay

0

Wasiir Dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-U-heshiisiinta Galmudug Mudane Omar Mohamed Diiriye (Omar Guureeye) Ayaa Maanta Furay Shirka Dib-U-Heshiisiinta Beelaha walaalaha ah ee kala daga Degmooyinka Cadaado iyo Dhuusamareb.

Shirkaan oo ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kasoo Qaybgalay Odayaasha labada dhinac, waxgaradka, Bulshada Deegaanka, Wasiiro Iyo Xildhibaano Katirsan Galmudug iyo Maamulada 2bada Degmo ee Dhuusamareb Iyo Cadaado.

Wasiir Omar Guureeye oo Qudbad Goobta ka jeediyay ayaa Faray odayaasha dhaqanka inay goobtaan ku gaaraan Heshiis Deg deg ah si bulshadu Nabad ugu wada Noolaato Asagoo sidoo kale xusay in Dawlada Galmudug damaanad Qaadayso inay fulin-doonto wixii lagu heshiiyo Amniga Goobahaana ay ayadu sugi-doonto.

Odayaasha 2bada beelood oo Goobta kahadlay ayaa xusay sida ay diyaarka ugu yihiin inay Nabad Qaataan Bulshadoodana u horseedaan inay Nabad Buuxda kuwada Noolaadaan, ayagoo sheegay Inay Dawlada kala shaqeendoonaan in amni buuxa laga hirgaliyo goobahaas.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa xilwayn iska saaraysa Bulshada ku Nool Halkaas in ay helaan Nabad waarta si Deg Deg ahna Heshiis Buuxda looga gaaro Shaqaaqooyin halkaasi kusoo laa laabtay.

Ad
Previous articleVilla Soomaaliya oo la Timid Qorshe Cajiib oo ku aadan Heshiiskii Golaha Wadatashi Qaran
Next articleSheekh Aadan (Madoobe) oo hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BJFS.(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here