Home Wararka Somaliya Xasan Cali Kheyre oo sheegay in uu ka badbaaday isku day dil

Xasan Cali Kheyre oo sheegay in uu ka badbaaday isku day dil

0

Raisul Wasaarihii hore ee Somalia ahna musharax u taagan doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga iyo musharaxiin kale ay ka badbaadeen isku day dil oo la soo qorsheeyey.

Khayre ayaa hadalkan soo dhigay baraha bulshada wax yar ka dib markii dibed baxayaal ay horkacayeen isaga iyo musharaxiin kale ay ciidamada DF ku rasaaseeyeen wadada u baxda garoonka Aadan cadde inkastoo aaney jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA UU SOO SAARAY KHAYRE

Waxaan aniga iyo dhowr musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, masuuliyiin kale iyo shacab badan ka badbaadnay isku dey dil ah oo toos ah oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo.

Xalay saqdii dhexe waxaa weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka, waxaana kasii digay natiijada siyaasada ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo.

HadDii uu harsanaa qof uu shaki uga jiray aragtida siyaasadeed ee ku dhisan kali-talisnimda iyo xukun-isku dhajinta ,weerarkii xalay iyo isku deygii dilka musharaxiinta aan kamid ahaa ee maanta haku cibri-qaateen.

Waxaa laga talaabsaday dastuurkii dalka, waxaa la jabiyay dhaqankii dowladnimada iyo xeerarkii bulshada ka dhaxeeyay, waxaana loo bareeray dilka madax hore iyo musharaxiin madaxweyne, Xildhibaanno iyo Muwaadiniin aan waxbo galabsan, dadkana waxaa loo diiday inay dareenkooda cabiraan, maxaa harsan oo xiga?

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Muqdisho iyo Cida lagu qaaday Weerarka
Next articleDagaal ka socda Magaalada Muqdisho maanta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here