Home wararka Dalka Warbixin Biyo Yari ka taagan Deegaanka Docol ee Gobolka Mudug.

Warbixin Biyo Yari ka taagan Deegaanka Docol ee Gobolka Mudug.

0
SHARE

Deegaanka Docol oo 40km Koofur bari kaga beegan magaalada gaalkacyo ee xarunta Gobol Mudug kana mid ah deegaanada ugu bulshada badan gobolka ayaa todobaadkii 5aad bulshada ku nool wajahayaan biyo yari.

Biyo yarida ayaa timid kadib markii cilad ku timid bamkii biyaha ka soo saaray ceel matoorka deegaanka docol sida uu Mudug24.com uxaqiijiyay C/qaadir Warsame yare oo ah gudoomiyaha deegaanka docol oo tilmaamay iney dadaal badan ugaleen sidii loo cilad bixin lahaa bamka matoorka.

“Deegaanka waxaa ka jira biyo yari saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada miyi iyo magaalo, waxaan dadaal badan ugalnay cilad bixinta bamka farsamo yaqaano aan keenay oo hormaris nooga qaatay $800(Sideed boqol oo doolar)laguma guuleysan”ayuu yiri gudoomiye c/qaadir warsame yare oo baaq udiray maamulka galmudug,hay’adaha iyo ganacsatada iney ugurmadaan bulshada deegaanka docol kana qeyb qaataan cilad bixinta bamka ceelka.

Qaar kamid ah Bulshada deegaanka docol ayaa Mudug24.com usheegay in booyado biyo looga qaado deegaanka xaarxaar iib ahaana loo geeyo docol ay fuustatii ku iibsadaan $8.5dolar una dhiganta 250,000 oo sh.som.taasina ay tahay mid ay awoodin bulshada oo ubadan kuwo nolol ahaan ku tiirsan dhaqashada xoolaha nool.

Qeyla dhaanta iyo dhanka biyo yarida ah ee deegaanka docol wali kama jawaabin hay’adaha ka hawl gala gobolka maamulka degmada gaalkacyo iyo kan gobola mudug ee Galmudug.

W/D/Abdalle Mohamed Abdulle Tifaftiraha Guud Ee Mudug24.com

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here