Home Wararka Maanta Jeneraal Biixi oo Ka Dhawaajiyay Sababta Xilka Looga Qaaday

Jeneraal Biixi oo Ka Dhawaajiyay Sababta Xilka Looga Qaaday

0

Taliyihii ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in sababta xilka looga qaaday ay salka ku heyso xiisadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo.

Jeneraal Bixii oo maanta khubad ka jeediyey xafladii uu xilka ku wareejiyey ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladaha dalka.

Wuxuu su’aalay sababta xilka looga qaaday Taliyihii isaga ka sareeyey ee Jeneraal Odawaa, maadaama isaga xilka qaadistiisu ay salka ku heyso qadiyadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo.

“Arrin yar oo kaftan ah, laakiin kaftan ka xoog badan ayaan idin su’aalayaa, aniga waxaa xilka la iiga qaaday qadiyadda ka taagan Gedo, balse Jeneraal Odawaa maxaa xilka looga qaaday?” ayuu yiri Jeneraal Biixi oo aan sii faahfaahin sababta ay xil ka qaadistiisu salka ugu heyso xiisadda Gedo.

Jeneraal Biixi ayaa intaas ku sii daray inuu aaminsan yahay in xil ka qaadistu ay sunno u tahay dowladnimada, “Odawaa sababta xilka looga qaaday waa sunada dowladnimada, laakiin aniga waa qadiyadda Gedo,” ayuu martidii xafladaas kula kaftamay Jeneraal Biixi.

Jananka ayaa farriin u diray dadka reer Gedo, wuxuuna kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan midnimada dadka Soomaaliyeed.

“Maadaama aan Gedo soo hadal qaaday, waxaan leeyahay reer Gedo ka shaqeeya midnimada, qqdiyadda qof malahan ee gobolka dadka degan oo dhan ayaa iska leh,” ayuu arrinta Gedo ka yiri Jeneraal Biixi.

Sarkaalkaan oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynihii hore Farmaajo isku heybna ay ahaayeen ayaa ka mid ahaa saraakiishii gobolka Gedo u horseeday kala qoqobkaan iyo khilaafka maamul ee soo jiray 3-dii sano ee lasoo dhaafay.

In kastoo ay kaga awood badnaayeen saraakiil kale oo NISA ka tirsanaa, hadana Biixi wuxuu Gedo ka dejiyey ciidan ka tirsan Gor Gor, kuwaas oo Gedo ka wiiqay awoodii maamulka Jubbaland, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa saraakiishii la dhacsaneyd in Farmaajo muddo kororsi sameysto.
Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH:Mascow oo Bandow lagu Soo Rogay xili Xaalada Ruushku Faraha Ka Baxday
Next articleFaahfaahin: Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Gedo (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here