Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Shir Gudoomiyay Shirka Amniga (Sawiro)

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Shir Gudoomiyay Shirka Amniga (Sawiro)

0

Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Galmudug mudane Ali Dahir Eid ayaa maanta shir gudoomiyay shirka amniga Galmudug oo Looga hadlay Arima Xasaasi oo ku saabsan Galmudug

Shirkaan oo ay ka so qaybgaleen gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa diiradda lagu saaray amniga guud ee Galmudug iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo shirkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Galmudug ay had iyo goor u taagantahay ka hortagga iyo baacsiga kooxaha xagjirka ah, isagoona madaxweyne ku xigeenku uu ku ammaanay ciidamada qalabka sida goob kasta ay ugu baacsanayaan kooxaha nabad diidka ah, oo ay ugu danbeesay dharbaaxadii shacabka reer Baxdo iyo ciidamada qalabka sida ay ku dhufteen kooxda Alshabaab.

Ad
Previous articleSafarkii Madaxweyne Xasan Shiikh ee imaraadka oo Sabab layaab leh u Dheeraaday
Next articleIMF oo war cusub kasoo saaray deyn cafinta Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here