Home Wararka Maanta Alshabaab oo Markale Dad Shacab ah ka Afduubtay Gobalka Hiiraan

Alshabaab oo Markale Dad Shacab ah ka Afduubtay Gobalka Hiiraan

0

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in markale maanta ay Shabaab afduub ka geysatay gobolkaasi oo dhaca bartamaha dalka.

Xubno ka tirsan kooxda oo kasoo gudbay Webiga Shabelle ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galeen deegaanada Beerxaano iyo Dhoqor oo ku yaala dhanka Koonfureed ee magaalada Baledweyne, waxayna kaxeysteen dad shacab ah oo sidoo kale ahaa beeraley.

Dadka la afduubtay ayaa gaaraya illa 20 qof, waxayna kasoo jeedaan Beesha Xawaadle oo haatan dagaal culus kula jirta Al-Shabaab.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha afduubtay dadkaas ay la aadeen dhanka howdka, gaar ahaan goobaha ay heystaan Al-Shabaab.

llaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomalaiya oo ku aadan falkaasi.

Arrintan ayaa walaac xoogan ku abuurtay dadka deegaanka oo markii hore culeys kala kulmayay howlgallada iyo dagaalka haatan ka socda gobolkaasi.

Ad
Previous articleGuud ahaan Wadooyinka Muqdisho oo Saakay Xiran iyo Sababta oo la Ogaaday
Next articleGuddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland oo farageliyay arrinta Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here