Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Dowladda Mareykanka...

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Dowladda Mareykanka (Sawirro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya magaalada Muqdisho Larry Andre.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, horumarinta dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo xoojinta taageerada dhinacyada badan ee dowladda Mareykanku ay siiso Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku ammaanay dowladda Mareykanka garab istaaga ay u muujiyeen Soomaaliya, waxa uuna uga mahadceliyya dowladda Mareykanka taageerada ay siiso ciidamada qalabka sida .

Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa la filayaa in dhawwaan xafiiska baneeyo, waxaana madaxweynaha Mareykanka dhawwaan soo magacaabay safiir cusub oo danjirahan xafiiska kala wareegaya.

Ad
Previous articleCiidamada Amaanka Muqdisho oo gacanta Kusoo Dhigay Askari hubeesan oo dhibaato ku hayay Shacabka(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xassan Shiikh oo ka hadlay sababta sanadkan loo baajiyey xuska Maalinta 12ka Apriil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here