Home Wararka Maanta Nin Hubaysan oo Dad badan Ku laayay Dalka Maraykanka

Nin Hubaysan oo Dad badan Ku laayay Dalka Maraykanka

0

Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay siddeed qof oo ka dukaameysanayay suuq ganacsi oo ku yaalla waqooyiga magaalada Dallas ee gobolka Texas, sida ay sheegeen ciidamada gurmadka Deg-dega ah.

Boqolaal qof ayaa laga daad gureeyay suuqa weyn ee magaalada Allen, sida goob joogayaal ay sheegeen kadib markii si aan kala sooc lahayn nin uu u rasaaseeyay dad dukaameysanayay.

Booliiska ayaa sheegay in ay toogteen ninkii hubaysnaa ayna rumeysan yihiin in uu kaligiis falka geystay.

Qaar ka mid ah dhibanayaasha ayaa lagu soo waramayaa inay caruur yihiin. Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu daweynayaa isbitaallada, kuwaas oo saddex ka mid ah ay dhaawacyo halis ah soo gareen.

Ad
Previous articleXasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ergeyga ka socday Golaha Sare ee dalka Suudaan Xili uu Dagaal Kasocdo Dalkaas(Sawiro)
Next articleNin gaari ku waday Mayd oo lagu qabtay Muqdisho(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here