Home Wararka Somaliya Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay Shirkii Dhuusamareeb ee fashilka ku soo...

Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay Shirkii Dhuusamareeb ee fashilka ku soo dhamaaday

0

Eng, Feysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Soomaaliland ayaa ka hadlay Shirkii wadatashiga Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada iyo Duqa Muqdisho ee Dhuusamareeb, kaas oo natiijo la’aan ku dhamaaday.

Waxaa uu sheegay Feysal Cali Waraabe in la leeyahay waxaa khilaafka heshiis la’aanta ah dhaliyay ay tahay Xildhibaannada Somaliland taasina ay suurtagal aheyn qof walbana loo baahan yahay in uu tiisa ka heshiiyo.

Waxaa uu so cad u sheegay in Jabuuti,  Kilinka Shanaad, NFD, iyo Dowlado  kale ay ka heshiiyeen khilaafkii dhex yaalay si lamid ahna Somaliland Somaliland qaranimadeeda ay soo ceshaneyso sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Soomaaliland xilligaan aysan kajirin colaad iyo dagaalo ayna heystaan degaan nabad ah, isaga oo ku baaqay in farriintaas laga gaarsiiyo Madaxweyne Farmaajo.

Ad
Previous articleRaisal Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in ay ka Shaqeynayaan xasilinta Soomaaliya
Next articleShir Dhuusomareeb ku dhexmaray Madaxda dowlad goboleedyada oo ka hadlay Xaalada Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here