Home Wararka Somaliya Ergada Dowladda Qadar ee Jooga Soomaaliya oo La shirsan Madaxda Maamul gobaleedyada...

Ergada Dowladda Qadar ee Jooga Soomaaliya oo La shirsan Madaxda Maamul gobaleedyada dalka

0

Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa maalinta oo Isniin ah la kulmaya Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Qoor-Qoor iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Wararka ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu maanta soo gaari doono Muqdisho si uu ula kulmo ergeyga wasaarada arrimaha dibada Qatar.

Al-Qahtani ayaa shalay illaa xalay kulamo gaar gaar la yeeshay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, sida Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiyeyaasha labada Aqal iyo Madaxweyne Farmaajo, inkastoo kulankaas la qariyay.

Sidoo kale waxaa ay xalay la kulmeen Midowga Musharaxiinta, kulankaasoo ahaa mid saacado qaatay.

Dhinaca kale Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegayaa inay uga cudur daarteen inay Muqdisho ugu yimaadaan wafdiga Qatar,balse lama oga in booqan doono magaalooyinka Kismaayo iyo Garowe.

Ad
Previous articleQM oo ka hadashay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka
Next articleJubbaland oo dalbatay in Xilka Laga qaado Taliyaasha Ciidamada Dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here