Home Wararka Somaliya Galmudug Dhageyso Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo la soo gaba gabeeyay lagana soo...

Dhageyso Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo la soo gaba gabeeyay lagana soo saaray Warmurtiyeed

0
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay shir labo maalmood socday. Shirka oo uu isugu yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka soo qaybgalay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya; Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Mudane Axmed Maxamed Islaam, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).
Iyadoo laga anbaqaadayo hal-kudhegii Madaxweynaha ee ahaa “Soomaali heshiis ah” ayaa ujeeddada ugu wayn ee shirka wuxuu ahaa sidii loo xoojin lahaa hannaanka wada shaqaynta iyo wadatashiga oo ay ku dheehan tahay niyad wanaag, kalsooni iyo is-aaminaad. Wuxuu Goluhu isla meel dhigay arrimaha hortabinta leh ee u baahan wada-xaajood siyaasaadeed ee horyaala muddo xileedkan cusub 2022 – 2026.

Goluhu waxay ugu horeyntii u hambalyeeyeen Madaxweynaha la doortey ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, waxayna Alle uga baryeen inuu waajibaadka qaran u fududeeyo. Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadiyay sida dhaqsiyaha badan ee uu Madaxweynuhu isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran taasoo ay ka muuqato rabitaan siyaasadeed iyo ka go’naansho dhab ah. Sidoo kale Goluhu waxay balanqaadeen inay si niyad-sami ku jirto ula shaqeynayaan Madaxweynaha.
Golaha Wadatashiga Qaran waxay isku raaceen qodobada soo socda:
I. DHAMAYSTIRKA DHISMAHA DOWLADNIMADA SOOMAALIYA
Iyadoo la tixraacayo lifaaqa heshiiskii 27 Maajo 2021 ee Dhameystirka Dhismaha Dowladnimada Soomaaliya oo ay Golaha Wadatashiga Qaranka gaareen, Goluhu wuxuu isku raacay inuu diiradda saaro, mudnaan gaar ahna siiyo arrimaha soo socda:
Qabyo-tir iyo dhamaystir wakhtiyaysan oo lagu dul-dhiso guulihii horay looga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, noqdana mid ay u-wada- dhanyihiin dhammaan heerarka Dowladda iyo qaybaha bulshada.
Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in la dhamaystiro hannaanka amniga qaranka sida dhismaha ciidanka iyo la-dagaalanka argagaxisada.
Goluhu wuxuu isla-meeldhigay in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuqraadi ah oo dalka ka dhacda.
Goluhu wuxuu si wadajir ah isugu raacay in la xaqiijiyo dib u heshiisiin siyaasadeed iyo mid bulsho oo lagu xaliyo khilaafaadka ragaadiyey dowladnimadeena.
Goluhu wuxuu isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo wada-halada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.
Goluhu wuxuu ku heshiiyey taabba-gelinta, dardar-gelinta iyo dhamaystirka hannaanka federaalka si uu u noqdo mid gaara ilaa heer degmo, loona daadejiyo dowladnimada.
Goluhu wuxuu isla qaatay dhamaystirka hannaan garsoor madax-bannaan, hufan, isla markaana haqabtiri kara baahida caddaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed.
II. XAALADDA ABAARAHA
Goluhu wuxuu isku raacay in si wadajir ah loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, loona diyaar garoobo ka hortagga musiibooyinka soo noqnoqda, lana helo sidii xal waara looga gaari lahaa. Wuxuu kaloo Goluhu ku baaqayaa in la mideeyo dadaalada wax looga qabanayo xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan. Sidoo kale, Goluhu wuxu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka inay kaalin buuxda ka qaataan xaaladda abaaraha ee taagan.
Ad
Previous articleFahad Yaasiin oo Mahad salaad Ku Eedeeyey inuu laayay Sarkaal Sar sare oo Ka tirsanaa Galmudug Yaa Kamid ah(Akhriso)
Next articleDhageyso Xildhibaanada Gaal-jecel oo fahad yaasiin ku Eedeeyay dilka iyo kiiska ikraan Tahliil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here