Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo ka Hadashay Shirka Kasocda Gorowe ee Xalay Warmurtiyeedka laga...

Dowlada Soomaaliya oo ka Hadashay Shirka Kasocda Gorowe ee Xalay Warmurtiyeedka laga soo Saaray

0

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo xalay ka qayb-galay afur wadareed lagu qabtay xarunta degmada Kaaraan ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dhameystirka dastuurka dalka iyo shirka Garoowe ee madaxweynayaashii hore iyo hoggaanka maamul gobleedka Puntland.

Ugu horreyn Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Shariif iyo Farmaajo, wuxuuna sheegay in sida u hadleen aan laga fileyn, maadaama ay dalka soo hoggaamiyeen, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa xusay in shirkooda iyo qodobada ay soo saareen aanu wax ka beddeli doonin dastuurka, isla markaana la dhameystirayo.

“Waxba ma soo kordhineyso inta diyaarad la raaco oo shir la tego, mana hor istaagi doonaan dastuurkan la dhameystirayo kun diyaaradood haddii la raaco, kun sawir haddii lasoo galo” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aanka uu u yaallo labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, iyagana ay xaq u leeyihiin dhameystirka dastuurka KMG ka ah ee dalka.

“Ciddii xaqa u lahayd ayaa beddeleysa, ciddii xaqa u lahayd ayaa dhameystireysa, waana baarlamaanka labadiisa aqal ee buuqa haliska yareeyo” ayuu mar kale yiri wasiir Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay in afarta cutub ee ugu horreyso dasruurka dhowaan la ansixinayo, kuwaas oo ay shalay xildhibaanadu soo gabagabeeyeen ka doodistooda.

“Dastuurka afartiisa cutub sida qorshuhu yahau waa loo codeynayaa, si ay rasmi u noqdaan, waxaan rabnaa odayaal, dhalinyaro iyo dumar in bannaanka lasoo istaago” ayuu ku daray.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shirka Garoowe laga soo saaray war murtiyeed ka kooban 9 qodob oo lagu diiday wax ka beddelka dastuurka, laguna boggaadiyay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Ad
Previous article16 masuul oo Fududaysay Qaraxyadii lagu Qaaday Hotel SYL oo Xabsiga Ka Dhigay
Next articleNin loo jaray warqaddii lagu soo xiri lahaa oo loo tagay isagoo mayd ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here