Home galmudug Sawirro Mid Ka Mid Ah Nabadoonada Galmudug Oo Gaalkacyo Lagu Caleema Saaray

Sawirro Mid Ka Mid Ah Nabadoonada Galmudug Oo Gaalkacyo Lagu Caleema Saaray

0
SHARE

Magaaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad si heer saraa loosoo agaasimay laguna caleema saarayay mid ka mid ah nabadoonada galmudug .

Xaflada Caleema saarka Nabadoonka Beesha Reer Maxamed Ebekar Sharmaake oo ka mid ah beelaha galmudug Nabadoon Cabdi Keysar Cali Canshuur ayaa Lagu qabtay hotelka Embassy ee magaalada gaalkacyo waxaana ka qayb galay cuqaal,haween,dhalinyaro iyo masuuliyiin ka tirsan galmudug.

Dhamaan dadkii goobta ka hadlay ayaa nabadoonka cusub ee Beesha Reer Maxamed Ebekar Sharmaake ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo eg maday ayagoo alle uga baryay in uu la garabgalo.

Ugu Dambayn Nabadoon Cabdi Keysar Cali Canshuur Nabadoonka Guud ee  Beesha Reer Maxamed Ebekar Sharmaake oo goobta ka hadlay ayaa balan qaaday in uu dadka doortay si cadaalad ku jirto ugu adeegi doono uuna rajaynayo in uu wax badan kusoo kordhiyo dalkiisa iyo dadkiisaba.

Hoos Ka Daawo Sawirada Caleema Saarka Nabadoonka 

W/Q: Mahad Daahir America

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here