Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo Soo Faragalisay Khilaafka U Dhexeeyay Dowlada Iyo Maamul Goboleedyada

Qaramada Midoobay oo Soo Faragalisay Khilaafka U Dhexeeyay Dowlada Iyo Maamul Goboleedyada

0

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swam ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada in wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

James Swam oo khudbad ka jeediyay shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadlayay xaalada Soomaaliya ayaa xusay in laga maarmaan tahay in madaxda dowlad goboleedyada la shaqeeyaan madaxda federaalka.

”Ka dib markii la soo gabagabeeyay geeddi-socodkii doorashada ee lagu muransanaa bishii Maajo, jawiga siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda ah mid ku habboon in wax laga qabto arrimaha hor-tebinta qaranka. Si fursaddan looga faa’ideysto, mas’uuliyiinta federaalka iyo dowlad goboleedyada waa in ay si dhow isula shaqeeyaan si horumar looga gaaro himilooyinka dowladda cusub, oo ay ku jiraan hagaajinta garsoorka iyo dowladnimada, in si wax-ku-oolnimo leh looga hortago Al Shabaab, iyo in si degdeg ah wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadannimo ee sii xumaanaya”. ayuu yiri James Swam.

Qaramada Midoobay ayaana ballanqaaday in ay sii wadayaan taageerada ay u hayaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxa uuna sheegay James Swam in muhiim tahay xilligan adag in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Hadalkan kasoo yeeray Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya xilli uusan xiriir fiican ka dhaxeyn dowladda federaalka uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qaar kamid madaxda dowlad goboleedyada.

 

 

Ad
Previous articleAbaabul Ciidan oo Xoog leh oo Maantay Kasocda Waqooyiga Magaalada Muqdisho+Ujeedada
Next articleShir lagu Dhexdhexadinayay Cismaan Xadoole iyo Masaxweyne Xasan Shiikh oo Fashil Kuso Dhamaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here