Home Wararka Maanta Askari ka Tirsanaa Ciidanka Khaatumo oo Hargaysa lagu Qabtay

Askari ka Tirsanaa Ciidanka Khaatumo oo Hargaysa lagu Qabtay

1

Ciidanka sirdoonka maamulka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay nin ay sheegeen in uu katirsanaa ciidankii Khaatumo ee dagaalka xooggan kula galay magaalada Laacaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qoraal kasoo baxay taliska hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in ay qabten Cawil Daarood Yuusuf oo ay sheegeen in ay in muddo ah ku daba jireen .

Sirdoonka Somaliland ayaana ninkan ay qabteen ku eedeeyay kamid ahaa ciidankii Somaliland kula dagaallamay Laascaanood, waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen in si ka baxsan xeerarka dagaalka ula dhaqmay maxaabiis Somaliland dagaalka looga qabtay.

Ninkan ay qabteen ciidamada Sirdoonka Somaliland ayaa la sheegay in muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Hargeysa, waxaana ninkan baraha bulshada lagu baahiyay sawirro muujinaya isaga oo hubeysan qeybna ka ahaa ciidanka Khaatumo.

Ad
Previous articleDekada Muqdisho oo Markale Lagu Qabtay Alaab Halis ku Ah Caafmaadka Dadka Soomaaliyeed
Next articleAjaanib Dhawaan Muqdisho lagu Xukumay oo Xabsiga Laga Siidaayay

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here