Home Wararka Somaliya Wasiir Axmed Macallim Fiqi oo shaqo joojin ku sameeyay Maareeye Mukhtaar Xuseen

Wasiir Axmed Macallim Fiqi oo shaqo joojin ku sameeyay Maareeye Mukhtaar Xuseen

0

Wareegto kasoo baxday wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ayaa shaqada looga jooojiyay Maareeyaha guud ee hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed Mudane: Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey).

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sheegay in sababta uu xilka uga qaaday maareeyaaha ay tahay in uu caqabad uu ku yahay fulinta iyo dhaqangelinta hawsha diiwaangalinta iyo aqoonsiga Dadweynaha oo ka mid ah hawlaha hortabinta u leh Xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kle wasiirka ku eedeeyay maareeyaha uu shaqada ka joojiyay in shaqo xumo kala dhaxaysay hay’addaha wasaaradda arrimaha gudaha ka caawiiya dhaqangelinta Aqoonsiga Dadweynaha.

Halkan ka akhriso wareegtada shaqo joojinta

Ku: Maareeyaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed.
Ku: Ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed
Og: Wasir Dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
Og: Wasiir Ku Xigenka Wasaarada Arrimaha Guddaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisinta
Og: Ra’iisul Wasaaraha XFS

Ujeeddo: Shaqo ka joojin

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta;

Markuu arkay: Qodobka102aad ee Dastuurka KMG ee JFS.

Markuu Arkay Sharci Lr.30 ee 30 Juun 1984kii ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Markuu arkay: Qodobbadda 8aad iyo 10aad ee Sharciga Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed.

Markuu arkay: Shaqo Xumida Maareeyaha Hay’adda ee kala dhaxaysa Hay’addaha naga caawin lahaa dhaqangelinta Aqoonsiga Dadweynaha,

Markuu arkay: Wada shaqeyn la’aanta joogtada iyo Daahfurnaan la’aanta dhanka shaqada ah ee uu Maareeyuhu caadaystay.

Markuu Arkay in Maareeyuhu Caqabad uu ku yahay Fulinta iyo Dhaqangelinta hawsha Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha oo ka mid ah hawlaha hortabinta u leh XFS.

Markey Cadaatay: in Maareeyuhu uu gacanta kula jiro hawlo ka baxsan hawlihii loo igmaday ee Hay’adda.

Markuu tixgeliyay: baahida loo qabo in la abuuro Jawi ku dhisan wada shaqeyn, Daahfurnaan, isla-xisaabtan iyo in la socodsiiyo, lana dardargeliyo mashruuca Aqoonsiga Dadweynaha.

Wuxuu xeeriyay:

Qodobka 1aad:

Laga bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 04/10/2022 waxaa shaqo ka joojin si ku meelgaar ah loogu sameeyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed Mudane: Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey).

Qodobka 2aad:

Waxaa hawlaha Shaqada Hay’adda si kumeelgaar ah usii wadaya Ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda oo kaashanaya Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha kale ee Hay’adda.

Fulin Wacan

Mudane: Axmed Macallim Fiqi
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS

Ad
Previous articleDowlada Ukraine oo mamnuucday wada xaajood lala galo Ruushka
Next article13 Gabdhood oo Muddo Bil Ah Afduub Loo Haystay Oo Lasoo Badbaadiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here