Home Wararka Maanta Diyaarada Dagaalka iyo NISA oo Shacab Badan ku Xasuuqay Duleedka Muqdisho

Diyaarada Dagaalka iyo NISA oo Shacab Badan ku Xasuuqay Duleedka Muqdisho

0

Diyaarado dagaal oo caawinayay ciidanka nabad sugida Soomaaliya ayaa xalay duqeymo ku garaacay dad shacab ah oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Bagdaad oo kuyaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeynta ayaa la sheegay in lala begsaday qoysas kasoo barakacay dagaal ka dhacay deegaannada Basra iyo Jambuul, waxaana qoysaskan lagu duqeeyay xilli ay gabaad ka dhigteen beero kuyaalla deegaanka Bagdaad.

Inta la xaqiijiyay duqeyntan waxaa lagu dilay dad gaaraya 21-qof oo u badnaa haween, carruur iyo dad da’ ah, waxaa sidoo kale duqeyntan ku dhaawacmay oo la keenay isbitaalka Madiina 19-qof oo qaarkood qabaan dhaawacyo culus.

Dadka duqeynta lagu dilay qaarood ayaa la sheegay in ay u gurmadeen shacabkii duqeyntii hore waxyeelada kasoo gaartay, waxaana dadkii gurmadka ahaa iyana duqeynta kasoo gaartay dhimasho iyo dhaawac.

Diyaarado dagaal oo caawinayay ciidanka NISA ayaa duqeyta ka fuliyay goobo katirsan Jambaluul, Basra iyo Bagdaad, waxa ayna ciidankan duqeynta ku beegsanayeen dagaallamaal katirsan Al Shabaab oo weerar ku qaaday ciidanka NISA, hasa ahaatee duqeynta ayaa keentay khasaaro soo gaaray dad badan oo shacab aan waxba galabsan.

Ad
Previous articleDagaal Culus oo Kasocda Koonfurta Gobalka Mudug
Next articleGalmudug oo Gacanta Ku dhigtay Gaadiid Alshabaab Sahay U Waday(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here