Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo ka hadashey guulo laga gaaray Dagaaladii ugu Danbeeyay ee dhacay

Galmudug oo ka hadashey guulo laga gaaray Dagaaladii ugu Danbeeyay ee dhacay

0

Madaxtooyada Galmudug ayaa war saxaafadeed ka soo saartay howlgalada ka socda deegaanada Mudug, iy dagaalka dhex-maray Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah & Al-Shabaab.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in guul laga soo hoyay, isla markaana  Ciidamada Ammaanka Galmudug oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa guluf dagaal ku qaadeen Al-Shabaab, iyagoo ka saaray deegaano iyo tuulooyin dhowr ah.

“Howlgallada ayaa ahaa kuwo guul lagu gaaray si aan  uga xoreynay Al-Shabaab Saldhigyo muhiim ah, 20-kii Bishaan Luulyo duqeyn diyaaradeed ayaa ka dhacday koonfurta gobolka mudug halkaas oo ay iskaga kaashadeen ciidamada XDS, ciidamada Kumaandooska ee Danab iyadoo ciidamada Galmudug ay hadda dagaal kula jiraan Al-shabaab, waxaana  Ujeedada duqeynta ay aheyd in la ilaaliyo ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah oo ku wajahan cadawga weeraradana si guul leh ayaa loo qabtay maadaama aysan waxyeelo soo gaartay dad rayid ah ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeedka Galmudug.

Sidoo kale Galmudug ayaa sheegtay in Wasiirka Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug Axmed macalin Fiqi kaas oo hadda ku sugan jiida hore ay ka go’an tahay sii wadida howlagallada ka dhanka ah Al-Shabaab si loo hubiyo Amniga muwaadiniinta  loogana hortago weerarada Al-Shabaab.

In ka badan laba todobaad ayaa howlgallo iyo dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah & Al-Shabaab waxaa ay ka socdeen Koonfurta Gobolka Mudug, waxana la sheegay in lala wareegay degaano dhowr ah.

Ad
Previous articleDhageyso: Dowlada Somaliya oo ka hadashey Saadaq Joon oo lagu arkay Dagaalada Galmudug ka socda
Next articleMadaxweynaha Kenya oo jeediyay hadal lagu tilmaamay inuu ka dhan yahay Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here