Home Wararka Somaliya Puntland Maamulka Puntland oo shuruud horleh ku xirtay mashaariicda laga fuliyo deeganadeeda ee...

Maamulka Puntland oo shuruud horleh ku xirtay mashaariicda laga fuliyo deeganadeeda ee kaga imanaysa Dowlada Federaalka Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay qodobo dhowr ah.

Shirka toddobaadkan ee Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha amniga, dhameystirka fariisinta goleyaasha deegaanka degmooyinka maamulka, mashaariicda horumarinta Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa waxa uu faray dhammaan golaha wasiirada in mashaariicda horumarinta ee laga fuliyo Puntland, la waafijiyo siyaasadda dowlad-goboleedka, qorshaha horumarinta shanta sano ee Puntland iyo mabaadiida aasaasiga ah ee ay tahay in mashaariicda horumarintu buuxiso si Puntland looga fuliyo.

Shuruudaha uu madaxweyne Deni faray golaha wasiirada ee lagu mashaariicda laga fuliyo deegaanada maamulka ayaa waxay kala yihiin;

  1. Mashruuca horumarinta ee Puntland laga fulinayo waa in Puntland laga maamulo (PCU).
  2. Qoondada Puntland ee Mashruuca waa in ay ku caddahay heshiiska fulinta.
  3. Maamulka iibka (procurement) mashruuca waa in ay masuul ka yihiin Maamulka mashruuca ee Puntland.
  4. Hantidhawraha Guud ee Puntland waa inuu masuul ka yahay mashruuc kasta ee ka fulaya Puntland.
  5. Lacagta mashruuc kasta waa in lagu maamulo khasnadda mideysan ee Dowladda Puntland (TSA) iyada oo la isticmaalayo Bangiga Dowladda Puntland. Lacgtuna toos ugu soo dhacdo (Fund Flow).
Ad
Previous articleDadka Diidan Hab Doorashada Xasan Shiikh Wax u Wado oo Sii kordhay
Next articleSaciid Cabdullaahi Deni oo si adag uga hadlay arrinta lagula kacay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali Salaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here