Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo la Kulmay Madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle, Sawiro

Xasan Shiikh oo la Kulmay Madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle, Sawiro

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  booqasho hambalyo iyo salaan ugu tagay Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, waxa uuna u rajeeyay in Alle ku guuleeyo Masuuliyada Qaran ee loo doortay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa booqasho, hambalyo iyo salaan ugu tagay Madaxweynaha cusub ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynihii 10-aad ee JFS. Waxa uuna Eebbe uga rajeeyay in uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa labada Madaxwyne ee dowlad Goboleed uga mahad celiyay booqashada ay ugu yimaadeen, isaga oo sheegay inay siweyn u wada Shaqeyn doonaan.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sii wadi doona kulamada kala duwan ilaa iyo inta uu xilka la wareegayo, waxaana sidoo kale kulamada barbar socda wadatashiyo la xiriira soo Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo laga sugayo.

Ad
Previous articleDowlada Turkiga oo Ka Hadashay Dib u Doorashada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud
Next articleMadaafiic lagu Garaacay Deegaanka ceel baraf iyo khasaaro ka dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here