Home Wararka Somaliya Galmudug Gudoomiyihii iyo ku Gudoomiya Ku Xigeenkii Degmada Caabduwaaq oo Xilka laga Qaaday

Gudoomiyihii iyo ku Gudoomiya Ku Xigeenkii Degmada Caabduwaaq oo Xilka laga Qaaday

0

Xildhibaanada Golaha Deegaan Degmada Caabudwaaq ayaa Mooshin ay Qabteen Xilka kaga Tuuray Gudoomiyihii Degmada Caabudwaaq iyo Ku Xigigeenkiisiii Waxaana Arintaas soo Dhaweeyey Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Madaxtoyada Galmudug gaar ahaan Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka waxaa u soo dhawaynaya kulanka Golaha Deeganka ee Dagmada Cabudwaaq ay Kalsoonida kala laabteen Gudomiyihii hore ee Dagmada Caabudwaaq iyo kuxigeenkisa.

Gudomiyahi hore waxaa uu ku fashilmay Shaqadi lo igmaday waxaana kalsoonida kala laabtay Xildhibanada Golihii Deeganka ee horay u doortay.

Gudomiyaha KMG ah ee Dagmada Caabudwaaq Mudane Cabdinaasir Cagaweyne waxaa la faraya in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku qabto Doorasho xor iyo xaalal ah.

Hay,adaha kala duwan iyo laamaha amniga waxaa la faraya in ay la shaqeeyaan Gudomiyaha KMG ah ee Dagmada Caabudwaaq Mudane Cabdinasir Cagaweyne.

 

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Alshabaab ku Qaadeen Daarunimco
Next articleWasaarada arimaha Gudaha Galmudug oo Ka Hortimid Xilka Qaadistii lagu Sameeyey Gudoomiyihii Degmada Caabudwaaq iyo Khilaaf Culus oo Galmudug ka Curtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here