Home Wararka maanta Gaadiid ay Wateen Ciidamada AMISOM oo Qarax Lagula Eegtay Xaafada Suuqa Xoolaha.

Gaadiid ay Wateen Ciidamada AMISOM oo Qarax Lagula Eegtay Xaafada Suuqa Xoolaha.

0
SHARE

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa lala bartilmaamedsaday kolonyo gaadiid oo ay leeyihiin ciidamada Amisom.

Qaraxa kadib Ciidamada Amisom waxa ay fureen Rasaas aad u badan oo waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ahba ay ka soo gaartay dad shacab ah, waxaana Rasaasta ku geeriyootay ilaa seddex ruux sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u xaqiijiyeen.

Suuqa xoolaha saakay barqadii waxaa ka dhacay Banaanbax ay sameynayaan dadka xaafaddaasi ku nool iyagoo ka cabanaya sida la sheegay ciidamo dowladda ka tirsan oo dad shacab ah shalay ku dilay xaafaddaas .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here