Home wararka Dalka Dowlada Mareykanka oo wadamada Khaliijka ugu baaqay joojinta Faragalinta Somaliya..

Dowlada Mareykanka oo wadamada Khaliijka ugu baaqay joojinta Faragalinta Somaliya..

0
SHARE

Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ee ka hawl-gala Qaaradda Afrika ee (AFRICOM),  General Thomas Waldhauser waxa uu soo saaray Hadal-qoraal oo uu kaga hadlay Arrimaha Somalia iyo Ammaanka Geeska Afrika.

Waxa uu tilmamaay inay ka walaacsan yihiin Faragelinta ay Dowladda Khaliijka ee Is-khilaafsan ku hayaan Arrimaha Gudaha ee dalka Somalia.

Generalka oo haatan socdaal ku jooga dalal ka tirsan Geeska Afrika waxa uu ku eedeeyey Dowlado uusan magacaabin oo ka tirsan dalalka Khaliijka inay sii hurinayaan Deganaanshaho La’aanta ka jirta gudaha Somalia oo horeyba ay uga jireen dagaallo iyo Deganaansho La’aan.

“Kala-duwanaansha iyoiska horimaadka u dhexeeya dalalkaasi Carbeed waxa u uka socdaa meel ka baxsan Somalia, waxaana ugu baaqayaa Dhexdhexaadnimadooda” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Maraykanka ee AFRICOM),General Thomas Waldhauser.

Dhinaca kale, waxa uu Madaxa ugu sarreeya Askarta Maraykanka ka joogta Qaaradda Afrika waxa uu ka hadlay Taageeradda ay DFS ka siiyaan Dib-u-dhiska Ciiddanka Dowladda iyo Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here