Home Wararka Maanta Wasiir reer Finland ah oo Soomaalida ku tilmaamay in ay ‘geed xun...

Wasiir reer Finland ah oo Soomaalida ku tilmaamay in ay ‘geed xun yihiin’

0

Wasiir kale oo ka tirsan xukuumadda Finland, gaar ahaan xisbiga midigta fog ee Finns Party ayaa la kulmay fadeexad cusub oo la xidhiidha cunsurinimo, ka dib markii farriimo uu u diray saaxiibtiisii hore uu daabacay wargeyska ka soo baxa dalkaas ee lagu magacaabo Helsingin Sanomat.

Wille Rydman, oo farriimaha qoray markii uu ahaa xildhibaan ka tirsan xisbiga isbahaysiga qaranka, ayaa horaantii bishii hore loo magacaabay wasiirka dhaqaalaha.

Rydman waxa uu beddelay Vilhelm Junnila, kaas oo shaqada ka tagay ka dib markii uu hadalkiisii cunsurinimada ahaa iyo xidhiidhka uu la lahaa kooxaha neo-Nazigu ay soo shaac baxeen.

Farriimaha cusub ee la daabacay waxaa ka mid ahaa in Rydman uu ku eedeynayo Soomaalidu in ay ugu faafayso dalkaas sida cawska oo kale ama geed xun oo ka baxaya meelo aan munaasib ahayn; waxaana sida oo kale uu sii baahiyey oo la sii wadaagay ereyada hees sida muuqata uu tiriyey xildhibaan kale oo ka tirsan xisbiga Finns taas oo ka hadlaysa qof muslim ah oo dalkiisa ka tagay oo gabadh kufsaday.

Rydman wuxuu u soo jeediyay saaxiibtiisii hore in heestaas ay u qalanto, isla mar ahaantaana si fiican loogu heesi karo xilliyada ay socdaan xafladaha ardaydu.

Wasiir Rydman waxa uu ka cawday indho-shareerka ay haweenka Muslimiinta qaarkood xidhaan; wuxuuna dadka ka soo jeeda Bariga Dhexe ku tilmaamay “Daayeer” iyo weliba kii ‘saxaraha’

Tifaftiraha guud ee wargeyska Helsingin Sanomat ayaa qiil uga dhigay sababta daabacaadda fariimahaas gaarka ah ee la moodo in Rydman uu u diray saaxiibtiisii hore, lagama maarmaan ahaayeen, isla mar ahaantaana arrintani ay khusayso shacabka ayna guud ahaan dalka oo dhan muhiim tahay in wax laga ogaado aragtiyaha gaarka ee wasiirku qabo.

Sidee looga falceliyey hadalkaas?

Hogaamiyayaasha siyaasadda Finland ayaa muddooyinkan danbelooga bartay, ku dhawaad toddobaad kasta, inay ku dhacaan fadeexado cusub, kuwaas oo badanaa la xidhiidha Xisbiga Finnishka – oo ka mid ah afarta xisbi ee ka kooban tahay dawladda wadaagga ah ee garabka midig.

Raiisel wasaare Petteri Orpo ayaa horraantii bishan sheegay in inkasta oo fariimaha ay ahaayeen kuwo sir ah, hadana luuqadda la adeegsanayey ay ahayd mid aan habboonayn.

“Ma aqbali karo habkan oo kale in aan u hadallo,” Orpo ayaa yidhi.

Hoggaamiyaha xisbiga Finns Riikka Purra, oo hore ay u gilgishay fadeexad cunsuriyad ah bishii Luulyo, ayaa sheegtay in fariimahaasi ay ahaayeen kuwo aan habboonayn; halka Rydman laftiisana uu tilmaamay in tallaabo sharci la tiigsan doono wargeyskaa baahiyey codkaas iyo farriimahaas sirta ah.

Eva Biaudet, oo hore u soo noqotay wasiir, garyaqaan, iyo musharax madaxweyne oo xisbiga SPP – oo ka mid ah asxaabta yar yar ee dowladda – ayaa ku booRrisay xisbigeeda in ay ka baxaan dowladda. Hoggaamiyaha xisbiga, Anna-Maja Henriksson, ayaa sheegtay toddobaadkii hore inay weli rajaynayso in Rydman uu raalli-gelin buuxda ka bixiyo hadalladiisii.

Ad
Previous article89 qof oo ku dhintay dabka ka kacay kaymaha Maui ee gobolka Hawaii
Next articleNabadoon Amiir Jamac Maxamed Mire oo lagu Dilay Laasaacanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here