Home wararka Dalka Sawiro Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle oo la kulmay Ergeyga gaarka ah ee...

Sawiro Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle oo la kulmay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Mibdoobey u qaabilsan soomaaliya..

0
SHARE

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf)oo La kulmay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Mibdoobey uqaabilsan soomaaliya Micheal keating.

Madaxweyne Xaaf ayaa Keating kala hadlay Arirmo dhawr ah sida Dagaalo dhawaan ka dhacay deegaano dhaca koofur bari gobolka mudug ee galmudug oo dhex maray dadka xoolo dhaqatada ah iyo alshabaab.

madaxweyne xaaf ducaale ayaa ka dalbaday Mr-Keating in maamulkiisa Qaramada midoobey ka gacan siiso gurmad dhan walba ah oo loo fidiyo xoolo dhaqatada deegaanada udhow degmada xarardheere ee koofur bari gobolka mudug.

Sidaasi oo kale Labadaan Masuul waxay isla soo hadal qaadeen khilaafyada yar yar ee ka dhex jira maamulka galmudug iyo sidii loo dhameyn lahaa dhamaan Khilaafka siyaasadeed.

Axmed Ducaale Geelle(Xaaf)Madaxweynaha Dawladda Galmudug ayaa marar badan ku baaqay in ciddii tabasho qabta timaaddo caasimadda galmudug ee dhusmareeb miiska wada hadalka in lagu dhameeyana uu diyaar uyahay.

Waxaa Qoray Abdalle_Mohamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here