Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan oo saxiixay guddiga madaxa-bannaan ee dib-ueegista iyo hirgelinta dastuurka

Madaxweyne Xasan oo saxiixay guddiga madaxa-bannaan ee dib-ueegista iyo hirgelinta dastuurka

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd saxiixay soo-jeedinta ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee magcaabista xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee dib-ueegista iyo hirgelinta dastuurka.

Xubnaha guddigan ayaa waxaa hore u ansixiyey Golaha Shacabka ee BFS iyo Golahaa Aqalka Sare ee BFS kadib soo-jeedinta Golaha Wasiirada ee XFS, si waafaqsan habraaca ku xusan Dastuurka KMG ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in xubnaha iyo guddoonka guddigan ay khibrad iyo aqoon durugsan u leeyihiin arrimaha dastuurka iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu xusay muhiimadda dhammeystirka dastuurku uu u leeyahay dowladnimada Soomaaliya, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka dardar-gelinta shaqada baaxadda leh ee hortaalla iyo in ay dhaxal wanaagsan u reebaan jiilasha Soomaaliyeed, maadaama dastuurka federaalka Soomaaliya uu hagayo aayaha dalka.

Guddigaan ayaa ka kooban shan xubnood, kuwaasi oo kala ah;

1. Burhaan Aadan Cumar: Gudoomiye

2. Axmed Maxamed Jaamac: Xubin

3. Maxamed Cabdalla Saalax: Xubin

4. Farxiyo Muumin Cali: Xubin

5. Maxamed Xasan Idiris: Xubin

Ad
Previous articleSacuudiga oo shaaciyey maalinta koowaad ee Ramadan
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay Dhibaatada Haysta Dowladiisa(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here